Haweenka iyo gabdhaha waxay qabtaan 2/3 shaqada addunka ,waxaana ka soo gala dakhli 5 % . Haddaba markay dumarku joogiyaan waxqabadka waxwaliba waa joogsan.

JOOJI DUNIDA OO WAX KA BADEL. KU SOO BIIR

BAAQA HAWEENKA ADUUNKA

8 MARCH 2000

Waa qarni qiimeynaya dhammaan shaqada haweenka iyo noloshoda

Haweenka Ireland waxay ku dhawaaqeen banaan bax,haweenka duniduna waa aqbaleen.

Marka $700 billian sanadkii lagu qasiro miisaaniyadda hubka addunka , in ka yar $20 billian ayaa lagu qasiraa saldhigga nolosha — biyo nadiif ah, cafimad iyo asaaska waxbarasho. Farqiga maalqabeenka iyo inta kale waa xad dhaaf sii kordheysa; hantida saddex reerood oo maalqabeen ah waxay ka badantahay dakhli-sanadeedka 600 mllion oo qof ee dalalka faqriga. 1/3 dadka dunida noloshooda waxay ku xirantahay qoriga-lashido,taasoo ay soo guraan haween iyo caruur.

Dalalka Africa haweenka iyo caruurta waxay tabcaan 80% cunada. Asia, haween badan iyo gabdho shan saac ka badan ayeey ku khasiraan qoryo gurid . Latin America iyo Caribbean, 25% dadka ku nool — ilaa 90% dadka udhashay dhaladkaa — ma helaan biyo nadiif ah. Dalalka warshadaha leh , haweenka mushaarka qaata dakhliqoodu wuxuu ka yaryahay ilaa 50% kan ragga.

Tabarruca dumarka aan mushaar qaadan wuxuu gaarayaa ugu yaraan $11 trillion. Mujtamaca iyo suuquba, ma jiri karaan la’aanta dumarka aan mushaar ku shaqeeyn — sida shaqada hoyga, beerta, danaha xaaska, meelaha diinta lagu xuso, deriska, tuulada, magaalada iyo caasimadaha.

Haweenku waxay u shaqeeyaan si adag xagga shaqada dhaqanka iyo dhanka kaleba. Xataa dumarka xirfadda leh way ku adagtahay si ay isugu dheeli tiraan xaddhaafka baahida suuqa iyo bahida qof ahaaneed. Haweenka waxaa laga sugaa inta la ga sugo ragga iyo ineey la tartamaan - shaqadana ka hor mariyaan caruurta.

Haweenka iyo gabdhaha waxay istaahilaan in laga dhimo culeeyska -shaqada iyo in dhaqaale loo aqoonsado tabarruca weyn oo ay geestaan. Waxaa jiri kara noocya badan oo lacag lagu gaarsiinkaro. Ka fiiri mithaalo qaarkood gadaasha.

Kadhig tabarrucaaga mid muuqda adigoo joojinaya maalin, saacad, xitaa 5 daqiiqo — guriga, shaqada, hooyadaa, gabdhahaaga, walaalahaa, saaxiibadaa iyo ninkaaga. Soo saar sida haweenka addunka ay uga qeeyb qaadanayaan banaanbaxa

NOQO QOF DHIIRAN OO FARAXSAN !NAGALA SOO QAYBGAL MAALIN DABAALDAG IYO BANAAN BAX, FILIM IYO MUSIC!

1-11pm Union Chapel

COMTON AVENUE, LONDON N1 HIGHBURY &ISLINGTON STATION

Gelitaanka wheelchair ~ ismaris heersare ah ~ fiiri gadaal wixii faahfahin ah.

Siyaabaha lagu bixin karo lacagta iyo wax soosaarka dumarka laga qabo waxaa ka mid ah; ku darso fikradaada liskaan.

BAAQAAN U GUDBI XAASASKA ,SAAXIIBADA ,URURADA MEELAHA DIINTA JAARIYADAHA TUULOOYINKA, MAGAALOOYINKA IYO CAASIMADAHA. KU DHAQAAJI HADAL AF, KU WAC TELEPHONE, U DIR EMAIL, FAX. ANAGANA NAGU XIROW.

NOSOODIR SABABTA AAD UGU SOO BIIREYSID BANAAN BAXA, FICILADA AD JECESHAHAY IN AD QAADO IYO MAGACA XIRIIRKA IYO CINWANKAAGA.